|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Deegaanku Maxay Ka Tidhi Boob Ay Sheegtay in Lagu Hayo Dhulka Gobolka Saaxil?
September 11, 2018 - Written by Reporter:Adhi-caddeeye (WJN)- Odayaasha Deegaannada Xeedho iyo Adhi-caddeeye oo ka tirsan gobolka Saaxil, ayaa cabasho ka muujiyey Dhul-boob ay sheegeen inuu halkaas ka socdo oo loo xidhayo Ganacsato iyo Dad Dhul-doon ah, waxaana arrintaas ka hadlay oo goobtaa booqasho ku tegay Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Saaxil Anwar Xasan Ibraahin oo ballan-qaaday inay Wasaarad ahaan tallaabo ka qaadi doonaan arrintaas. Isu-duwe Anwar waxa uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Dadka wada dhul-boobka, iyaga oo la kaashanaya Maamulka gobolka, Odayaasha iyo Dadka Deegaannada Xeedho iyo Adhi-caddays ee gobolka Saaxil, waxaanu sheegay inuu kormeerkooda ku arkeen Cagafyo la geliyey Deegaannada qaar iyo Dhul Xoolo-daaqeen ah oo Dayrar lagu xidhay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/9Obe4lWnIws
Related posts:Daawo: Dadwaynaha Ku Dhaqan Deegaanka Geed Hara Ee Tog Wajaale Oo Cabasho Ka Muujiyay Maamulka Gobol... Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyay Shirkada Ku Guulaysatay Xoolo Loosoo Iibinayo Wasaarada Xa... Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Hadal Uu Shalay Yidhi Oo Siyaabo Kale Loo Fasirtay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|