Wasaaradda Deegaanku Maxay Ka Tidhi Boob Ay Sheegtay in Lagu Hayo Dhulka Gobolka Saaxil? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Deegaanku Maxay Ka Tidhi Boob Ay Sheegtay in Lagu Hayo Dhulka Gobolka Saaxil?
September 11, 2018 - Written by Reporter:

Adhi-caddeeye (WJN)- Odayaasha Deegaannada Xeedho iyo Adhi-caddeeye oo ka tirsan gobolka Saaxil, ayaa cabasho ka muujiyey Dhul-boob ay sheegeen inuu halkaas ka socdo oo loo xidhayo Ganacsato iyo Dad Dhul-doon ah, waxaana arrintaas ka hadlay oo goobtaa booqasho ku tegay Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Saaxil Anwar Xasan Ibraahin oo ballan-qaaday inay Wasaarad ahaan tallaabo ka qaadi doonaan arrintaas.

Isu-duwe Anwar waxa uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Dadka wada dhul-boobka, iyaga oo la kaashanaya Maamulka gobolka, Odayaasha iyo Dadka Deegaannada Xeedho iyo Adhi-caddays ee gobolka Saaxil, waxaanu sheegay inuu kormeerkooda ku arkeen Cagafyo la geliyey Deegaannada qaar iyo Dhul Xoolo-daaqeen ah oo Dayrar lagu xidhay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/9Obe4lWnIws

 

COMMENTS
LINKS