|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Waxbarshada Somaliland oo Shaacisay Deeq Waxbarsho Dibadeed
September 19, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasaarada Waxbasrshada iyo Sayniska Somaliland ayaa waxa ay maanta shaacisay deeq waxbarasho oo ay dalka Itoobiya ugu deeqday Somaliland. Shir jaraa’id oo ay si wada jira u wada qabteen Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray Faaratoon, Wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaasi ayaa waxa ay shaaciyeen deeq waxbarasho oo ay tiradoodu dhantahay 3000-boqol oo arday oo isugu jira Ardayda shahaadada heerka koowaad iyo heerka labaad ee jaamacadaha dalka taasi oo ay dalka Itoobiya ugu deeqday Somaliland.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|