War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somaliya ee Ka dhacay Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Somaliya ee Ka dhacay Jabuuti
September 6, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Somaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yidhi “booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, iyadoo lagu taageerayo isdhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

WAR MURTIYEED

 

COMMENTS
LINKS