|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakhtiyadii La Ciyaari Jiray Ciyaaraha Champions League-ga Yurub oo La Badelay
September 18, 2018 - Written by Reporter:Kaddib ciyaarihii Koobka Adduunka iyo lacago badan oo ay kooxuhu ciyaartoy ku soo Iibsadeen, ayaa waxaa isbadel weyn lagu sameeyay wakhtiga la ciyaarayo ciyaaraha Horyaallada Yurub ee Champions League-ga ee heerka group-yada. Laba kulan oo ciyaarahaasi ka mid ah ayaa waxaa la ciyaari doonaa 7:55 fiidnimo wakhtiga Bariga Afrika, halka ciyaaraha kalana la ciyaari doono 10:00 habeenimo isla wakhtiga Bariga Afrika. Waagii hore inta badan ciyaaraha group-yada waxaa la ciyaari jiray 9:45 habeenimo ee wakhtiga Bariga Afrika, halka qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan Bariga Yurub ama Ruushka ay laba ama saddex saacadood ka hor ay bilowdaan. Taageerayaasha kooxda Tottenham ayaa noqonaya kuwa ugu horreeya ee uu saameeyo isbadelkan oo kooxdooda ayaa caawa oo salaasa ah waxa ay garoonka San Siro kula ciyaaraysaa kooxda Inter Milan, halka isla group-kaas, isla wakhtigaas, ay Barcelona garoonkeeda ku martigelinayso kooxda PSV Eindhoven. Markii la gaadho ciyaaraha kala baxa ayaa dhammaan kooxaha soo gudba waxa ay ciyaarahooda bilaaban doonaan 10:00 ama 11:00 habeenimo ee waqkhiga Bariga Afrika. Ciyaaraha koobka Europa League ee heerka group-yada ilaa laga gaadhayo 16-ka kooxood waxaa la ciyaari doonaa 7:55 iyo 10:00 habeenimo. Halka rubac dhammaadka, nus dhammaadka iyo finaalka la ciyaari doono 10:00 habeenimo. Maxay tahay sababta loo badelay wakhtiga la ciyaari lahaa ciyaaraha Champions League-ga? Taleefishinnada iyo dadka online-ka ka daawada ciyaaraha ayey u suuragalaysaa inay ciyaaro badan daawadaan iyagoo aanay ciyaarna dhaafin, si kale haddii loo dhigana waxaa sare u kici doona dadka daawada ciyaaraha iyo weliba kharashka laga soo xareeyaba. Ciyaaraha bilaabanaya 7:55 fiidnimo ee wakhtiga Bariga Afrika Ciyaarta koobaad Salaasa, 18 Sibteembar Group B: Barcelona v PSV Eindhoven, Inter Milan v Tottenham Hotspur Arbaca, 19 Sibteembar Group E: Ajax v AEK Athens Group F: Shakhtar Donetsk v Hoffenheim Ciyaarta labaad Salaasa, 2 Oktoobar Group F: Hoffenheim v Manchester City Group H: Juventus v Young Boys Arbaca, 3 Oktoobar Group C: Paris St-Germain v Red Star Belgrade Group D: Lokomotiv Moscow v Schalke Ciyaarta saddexaad Salaasa, 23 Oktoobar Group E: AEK Athens v Bayern Munich Group H: Young Boys v Valencia Arbaca, 24 Oktoobar Group A: Club Brugge v Monaco Group B: PSV Eindhoven v Tottenham Hotspur Ciyaarta afraad Salaasa, 6 Nofeembar Group A: Monaco v Club Brugge Group C: Red Star Belgrade v Liverpool Arbaca, 7 Nofeembar Group G: CSKA Moscow v Roma Group H: Valencia v Young Boys Ciyaarta shanaad Salaasa, 27 Nofeembar Group E: AEK Athens v Ajax Group G: CSKA Moscow v Viktoria Plzen Arbaca, 28 Nofeembar Group A: Atletico Madrid v Monaco Group D: Lokomotiv Moscow v Galatasaray Ciyaarta lixaad Salaasa, 11 Diseembar Group D: Galatasaray v Porto, Schalke v Lokomotiv Moscow Arbaca, 12 Diseembar Group G: Real Madrid v CSKA Moscow, Viktoria Plzen v Roma
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|