|
|||||
WAJAALE NEWS
Waddada Laamiga Ah Ee U Dhaxaysa Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn oo Si Rasmi Ah Loo Furay
September 23, 2018 - Written by Reporter:Ceerigaabo (WJN)- Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada wayn ee u dhexeeysa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn. Waddadan laamiga ah oo dheereerkeedu yahay 86 kilomitar waxaa xadhiga ka jaray maanta wasiirka wasaaradda gaadidka iyo horumarinta waddooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor. Waddada Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ayaa ka qayb ah mashruuca dhismaha laamiga ilaa magaalada Burco oo dhan 284 kilomitar. Waa mashruuca ugu wayn ee halkaasi laga bilaaabay oo shanti sanno ee lasoo dhaafay soo socday, waxaana ilaa iyo haatan ku baxay 22 milyan oo doolar. Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in horre wadadani ay shacabka deegaanka ay 12 saacaadood ay ku qaadan jireen waddada Ceergaabo iyo Burco, mararka ay roobabka da’aana dadka ay habeen u dhixi jireen balse hadda waxay ku qaataan 4 ilaa 5 saacadood.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:DAAWO;-Degmooyinka Wajaale, Allaybaday Iyo Arabsiyo Oo Siyaabo Kala Duwan Looga Xusay Maalinta Qaran... DAAWO;-Abwaanada Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Fanaan Cabdi Tah... Daawo:Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Oo U Kicitimay Dalka Kenya Iyo Uj... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|