Waari Mayside War Ha Kaa Hadho! Dr Cabdimajiid Hussein AHN. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waari Mayside War Ha Kaa Hadho! Dr Cabdimajiid Hussein AHN.
September 27, 2018 - Written by Editor:

30 kii bishii March sannadkii 2004 waxaa magaaladdda Dire dewa ee dalka Ethiopia ku geeriyooday allah ha u naxariistee Dr. Cabdimajiid Xuseen oo ahaa danjirahii dalka Ethiopia u fadhiyay qaramada midoobay, isla markaana noqday raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirka gaadiidka.

DR CABDIMAJIID

Dr Cabdimajiid xuseen wuxuu ahaa shakhsiyaadkii sida xilkasnimada leh ugu shaqeeyay sidii deegaanada somalida Etoobiya ugaadhi lahayd horumar iyo wada noolaasho furfuran oo dhexmara bulshada ku wada nool deegaanadan.

Dr. Cabdimajiid Xuseen wuxuu noqday raysal wasaare ku xigeenka Ethiopia ahna wasiirka gaadiidka iyo isgaadhsiinta dalka Ethiopia intii u dhexaysay 1997 kii ilaa 2002 dii, markaasi oo koox ka tirsan jabhadda Amxaaro ahi ay ku dhex toogteen gudaha magaaladda Addis Ababa, Dr. Cabdimajid wuu ka badbaaday mu’maraadka la doonaayay in lagu khaarajiyo, balse waxaa soo gaadhay dhaawacyo rasaastii lagu dhuftay.

Sannadkii 2002 dii ayaa loo magacaabay danjiraha dalka Ethiopia u qaabilsan qaramada midoobay, sannadkii 2004 ayuu xanuun ku soo booday isagoo ku sugan magaaladda New York, ka dibna wuxuu go’aansaday inuu dib ugu noqdo magaaladdii uu ku dhashay ee Dire dewa.

29 bishii March sannadkii 2004 ayaa laga soo dejiyay gegida diyaaradaha ee magaaladda Addis Ababa, waxaana madaarka ku soo dhaweeyay raysal wasaarahii hore Ethiopia Meles zenawi iyo ilaa 10 wasiir oo xukuumadiisa ka tirsan.

Isla gallabtii uu soo degayba waxaa uu u dhaafay magaaladda Diridhaba, waxaana allah ha u naxariistee uu ku geeriyooday 5 galabnimo ee 30 kii bishii March 2004.

Dr. Cabdimajiid hooyadii iyo Aabahiiba waxay dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland.

Ilaahay naxariistii jannatul fardawsa ha geeyo, danbigiisana ha dhaafo, hana ka dhigo macii saalixiinta Aamiin ya allah

Xigasho; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS