|
|||||
WAJAALE NEWS
Waa kuma shaqsiga badalaya danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating
September 5, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Iyadoo uu dhamaaday muddo xileedkii danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Africa. Wali si rasmi ah looma shaacin magacaabistiisa, hasse ahaatee mas’uulkan cusub ayaa noqon doona ergayga xoghayaha guud ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Waa 66 sano jir ka soo shaqeeyay dalalka, Suudaan, Koonfur Africa iyo Pakistan, waxaana uu ku takhasuusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta. Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xilka ka degaya ayaa wuxuu bedelay xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.
Related posts:Ciidamada Qaranka Ee Ku Sugan Jiida Tukaraq Oo Ka Hadlay Xaalada Nabadgalyo Deegaanka, Beeniyayna In... Deg-Deg-Daawo: Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalkii Saaka Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iy... DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Kulan Kula Yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|