Unicef oo Xafiiskeedii U Soo Rartay Muqdisho iyo Hay”addaha Kale oo Sheegay Inaanay Haysan Cid Amaankooda Damaanad Qaada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Unicef oo Xafiiskeedii U Soo Rartay Muqdisho iyo Hay”addaha Kale oo Sheegay Inaanay Haysan Cid Amaankooda Damaanad Qaada
September 27, 2018 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF, ayaa noqotay hay’adii u horaysay ee fulisay amar cago-juglayn ah oo ay dawladda Soomaaliya u dirtay hay’adaha uu fadhigoodu yahay Nairobi, Kenya oo ay ka dalbatay inay xarumahooda u raraan magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal Xasan, ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay inuu ka qayb galay munaasibad loo sameeyay xafiiska UNICEF ee Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu hay’adaha kalena ka rajaynayo sida UNICEF oo kale.

Wasiirkan ayaa bishii August sheegay inuu diiwaangelinta kala noqonayo hay’adaha fadhigoodu  yahay Nairobi haddii aanay u soo guurin Muqdisho.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, ayaa ku doodaya inaanay Muqdisho ku haysan cid damaanad qaada ammaankooda islamarkaana aanay haysan kharash ay ku bixiyaan ammaanka cidda ku ilaalinaysa Muqdisho. Waxaana hore u jiray in hay’ado Qaramada Midoobay ahi ay xafiisyo ku leeyihiin Muqdisho sida UNPD, UNHCR iyo kuwa kale, laakiin waxa ay dhex degenyihiin xarunta Xalane ee ay AMISOM ilaaliso.

Iyadoo ay dawladda Soomaaliya ku doodayso inay kafaalo qaadayso ammaanka hay’adahan, haddana waxa bishii May xarunta ICRC ee Muqdisho laga afduubay Sonja Nientiet oo u dhalatay dalka Jarmalka oo ah kalkaaliye caafimaad, ilaa haddana lama garanayo halka lagu hayo iyo meesha lala tagay, waxaana gabadhan laga afduubay badhtamaha magaalada Muqdisho.

 

COMMENTS
LINKS