|
|||||
WAJAALE NEWS
Sucuudiga oo Daah-furay Tareen Casri Ah oo Ka Howl Gali Doona Maka iyo Madiina
September 25, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Boqorka Sucuudiga ayaa maanta xadhiga ka jaray tareen dheereeya oo casri ah oo ka howlgali doona labada magaalo ee barakaysan ee Maka iyo Madiina. Dhisitaanka khadka tareenka waxaa ku kacay 6.7 bilyan oo doolar, Waxaana uu sacaaddiiba jari doonaa 300 kilomitar. Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in tareenka uu qaadii doono sannadkiiba 60 miliyan oo rakaab ah isla markaasna uu fududayn doono saxmadda ay la kulmaan xujayda min Maka ilaa Madiina. Waxaana la filaya inuu si rasmi ah u howlgalo Isniinta soo socota. Wasiirka gaadiidka dalka Sucuudiga Nabil Al-Camuud ayaa sheegay in sacaado yar loo qaadan doono waddada isku xidha Maka iyo Madina. Wuxuuna sheegay in xukuumadda ay ka go’antahay u adeegidda shacabka muslimiinta.
Related posts:LIVE-TOOS U DAAWO: Doorashada Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Hada Bilaabmatay Maxkamada Ciidamada Maamulka Muqdihso Oo Xukun Dil ah ku fulisay Askari ka Tirsanaa Ciidamada Boolii... Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo Dhaliiley Shaqada Ay Qabato Qunsuliyada Turkiga Ee Harg... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|