“Soomaalidu Waa Dad Qiimo Badan Waxaase Heysta Duruuf iyo Xaalad Adag”.Erdogan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Soomaalidu Waa Dad Qiimo Badan Waxaase Heysta Duruuf iyo Xaalad Adag”.Erdogan
September 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madawxeynaha dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay boqolaal muslimiin ah oo dalkaasi ku nool.

Madaxweyne Erdogan ayaa inta uu ku howlanaa la kulanka muslimiinta daawaday muuqaal taariikhi ah oo laga diyaariyay waxqabadkiisa ku aadan inta uu xilka hayay iyo waxa uu muslimiinta u qabtay.

Muuqaalka la daawad siiyay Erdogan ayaa  waxaa ka mid ahaa gurmadkii uu u sameeyay muslimiinta wadamada Somalia, Myanmar, Syria, Falastiin iyo wadamo kale.

Muslimiinta uu la kulmay Erdogan ayaa waxaa kamid ahaa Soomaali farabadan oo deegan ku ahaa dalkaa.

Erdogan ayaa yidhi “Dadka Soomaalida ah waa dad aad u adag, qiimo badan, adeeg yaqaan, waxaase heysta daruuf iyo xaalad adag”

Waxa uu intaa raaciyay “Soomaalidu waxa ay u baahanyihiin sida aan anagu u garab istaagnay oo aan u kaalmeynay in loo garab istaago, Soomaalidu waa dad abaal leh oo aan lagu daawan karin dhibta”.

Maadxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ee ka qeyb gelaya shir madaxeedka 73aad ee Golaha Guud ee QM, kaa oo ka socda Xarunta Golaha ee Newyork.

 

COMMENTS
LINKS