Soomaalida Canada oo Dhul Ku Iibsatay Aduun Lacageed oo Dhan $6,500,000 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaalida Canada oo Dhul Ku Iibsatay Aduun Lacageed oo Dhan $6,500,000
September 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Canada ayaa lagu soo waramayaa in dhul ku iibsadeen lacag gaadheysa $6,500,000 dollar, waxana uu noqonayaa dhulkii ugu ballaadhnaa oo ay iibsadeen markii ugu horeysay qaar ka mid ah Jaaliyada dalkaasi Canada.

Dhulkan oo lagu sheegay inuu qiyaas ahaan dhanyahay 850,000 mitir labo jibaaran ayaa qiimihiisu uu gaadhayaa $6,500.000 oo dollar.

Dhulkan ayaa la sheegay in uu noqonayo goobo ganacsi iyo deegaan intaba, waana tallaabo ku cusub guud ahaan marka la eego Jaaliyada Soomaalida gaar ahaan Soomaalida ku nool dalka Canada.

Mid ka mid ah guddiga dhulkan maamulaya oo lagu magacaabo Bashiir Xaaji Cali ayaa sheegay in dhulkan uu ku yaalo bartamaha magaalada Edmonton, isaga oo intaa ku daray in uu yahay dhul laga sameysan karo deegaan iyo ganacsi intaba.

Wuxuu sheegay in muddo dheer ay ka wada hadlayeen Jaaliyada Soomaalida dalka Canada sidii dhulkan loola soo wareegi lahaa ugu danbeyntii-na lagu guuleystay in 29 bishii hore ee August ee sanadkan lala soo wareego dhulka milkiyadiisa.

Marka loo eego dadka Soomaalida ee qurbaha ku dhaqan qiimaha la sheegay in dhulka lagu iibiyay waa mid aad u badan, laakiin marka la eego baaxada dhulka iyo muhiimada uu ku fadhiyo ayaa la odhan karaa ma’aha lacag badan $6,500.000 dollar.

Jaaliyada Soomaalida ayaa siweyn ugu faraxday in ay hellaan lana soo wareegaan dhul ay iyagu leeyihiin oo baaxad intaa la eg ku fadhiya, waana qeyb ka mid ah marka la eego hormarada ay sameyanayaan Soomaalida qaxootiga ku ah dalka dibeddiisa.

 

COMMENTS
LINKS