Siyaasaddii Itoobiya Ee Somaliya Ku Wajahneyd oo Isbeddel Weyn Uu Ku Yimid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasaddii Itoobiya Ee Somaliya Ku Wajahneyd oo Isbeddel Weyn Uu Ku Yimid
September 27, 2018 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin ayaa sheegay in siyaasaddii Itoobiya ee Soomaaliya ku wajahneyd uu is-beddel weyn ku yimid, islamarkaana Itoobiya ay markan ka go’an tahay nabadda Soomaaliya.

Tan iyo markii uu talada Itoobiya la wareegay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed waxaa si dhab ah is bedel ugu yimi siyaasaddii iyo diblomaasiyaddii kala dhexeysay Soomaaliya, iyada oo labada dal ay aad isugu soo dhowaadeen.

Faarax Macallin oo ah siyaasi aad ugu dhuun daloola siyaasadda mandiqadda Geeska Africa oo arintaas ka aragti dhiibana ayaa qoraal kooban oo uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Siyaasaddii Itoobiya ee ku wajahneyd Soomaaliya aad ayey isu bedeshay. Dr Abiy waxa uu aamiinsan yahay nabadd, midnimada iyo karaamada dhulka Soomaaliya in ay yihiin kuwa sharfan. Dr Abiy iyo Afwerki waxa ay Villa Somalia ka caawin doonaan si ay xididdada ugu siibi lahayd Al-Shabaab iyo sidii ay nabadda bilo gudohood ugu soo celin lahayd. Uhuru, sidoo kale istaag si laguugu tashado.”

faarax macalin

COMMENTS
LINKS