Shirka Siinaha iyo Africa oo maanta ka furmaya magaalada Beijing | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Siinaha iyo Africa oo maanta ka furmaya magaalada Beijing
September 3, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya magaalada Beijing shirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan ku dhawaad madaxda 53 dal oo qaarraada ka tirsan.

Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa lagu eegi doonaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Africa.

Dhinaca Soomaaliya marka la eego kulanka waxaa ka qeybgalaya wafti uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale ay wehliyaan ganacsato Soomaali ah.

Inkastoo qodobada diirrada lagu saaray kulanka u bad-naan doonaan xidhiidhka ganacsiga labada dhinac Shiinaha iyo qaarrada Africa.

 

 

COMMENTS
LINKS