|
|||||
WAJAALE NEWS
Rag Hubaysan oo Magaalada Muqdisho Ku Diley Nin Dhalinyaro Ah oo Ka Tirsanaa Shaqaalaha Shirkada Somtel
September 25, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)– Rag bastoolado ku hubeysan ayaa waxa ay ku dileen degmada Hol-wadaag ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo sida la sheegay ka tirsanaa mid ka mid ah shirkaddaha bixiya adeega Internet-ka ee SOMTEL. Goojogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag ku hubeynaa bastoolado toogasho ku dileen wiilkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Daahir (Ilkacase), islamarkaana ka tirsanaa shaqalaha shirkadda SOMTEL. Ciidamo ka tirsan laamaha amniga ee Soomaaliya ayaa gaadhay halka uu falka dilka ka dhacay, iyaga oo bilaabay baadhitaan ku saabsan kooxihii falka ka danbeeyay. Wararku waxaa ay sheeegayaan in ay weerareen koox budhcad oo doonayay in ay ka qaataan telleefoonkiisa gacanta, laakiin si rasmi ah looma xaqiijin karo warkan. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyayba magan-satay xaalad amaan darro iyo dilal aan kala joogsi laheyn oo lagula kacayo dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dowladda intaba, waxaana dilalka intooda badan geysta kooxo la garaneynin.
Related posts:DAAWO: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha Iyo Wasaaradda Dib U Dajinta Somalil... Daawo: wafti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo si Balaadhan Loogu soo Dhaweeyay Magaalad... Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Diiday inuu Ka Hadlo Xadhiga Wariyihii HCTV Ee Ethiopia Ku Xidhn... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|