Qeyb ka mid ah xeebta Australia oo u duntay dhanka biyaha badda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qeyb ka mid ah xeebta Australia oo u duntay dhanka biyaha badda
September 24, 2018 - Written by Reporter:

Qayb weyn oo ka mid ah xeeb ku taalla dalka Australia ayaa si lama filaan ah u duntay oo ku darsantay badda, sababo la xidhiidha carradii oo ka dhammaatay, sida ay masuuliyiinta dalkaas sheegeen.

Dhulkan badda u go’ay oo ballaciisu uu dhan yahay ilaa 300 oo mitir ama 1,000 cagood ayaa ku yaallay xeeb lagu magacaabo Inskip Point oo ka tirsan gobolka Queensland ee dalka Australia.

Qaybta maqan ee baddu liqday oo dhinac laga sawiray

Arrintaan ayaa dhacday Axaddii ama Isniinta maanta ah midkood, sida ay mas’uuliyiinta gobolku sheegeen.

Waa dhacdadii saddexaad ee nooceeda ah oo laga soo tabiyay deegaankaas, dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Sannadkii 2015-kii ayay dhacdo taas la mid ah badda ku liqday kunteenar, teendhooyin iyo gaadhi ay ku jireen.

Saraakiisha ayaa sheegay in wax hanti ah aysan ku khasaarin dhacdadaan ugu dambeysay.

Sidoo kale dadka shacabka ah ayay ku boorriyeen iney ka fogaadaan aaggaas, si aysan waxyeello uga soo gaadhin.

Bayaan ay soo saartay waaxda arrimaha deegaanka ee gobolka Queensland ayaa lagu yidhi “Waxay u badan tahay in arrinkan uu sababay carro guur-ka ay dhaliyeen hirarka iyo dabeylaha soo gaadha xeebta”.

Glen Cruickshank oo ah Duuliye kaxeeya diyaaradaha Qumaatiga u kaca ayaa sheegay inuu dareemay isbaddalka, xilli uu diyaarad helikobtar ah ku duulinayay meel dhulka u jirta qiyaastii 250 kiilo mitir.

“Tani waxay aad uga weyn tahay labadii dhacdo ee ugu dambeysay – waxay ahayd qeyb weyn oo dhulka ka mid ah oo quustay,” ayuu ku yidhi BBC-da.

Dhacdooyinkii hore

Sannadkii 2015-kii, qiyaastii 140 ruux ayaa la daad gureeyay ka dib markii ay badda ku darsantay 200 oo mitir oo u dhaweyd meel ay dad badan ku sugnaayeen. Ma jirin cid ay waxyeello ka soo gaadhay.

Markii ay arrintaas dhacday ka dib ayay maamulka deegaanka kormeer ku sameeyeen gacanka waxayna calaamadeeyeen meelo gaar ah oo dadka lagula taliyay ineysan u dhawaanin.

Dhul kale oo intaas ka yar ayaa badda ku quusay sannadkii 2016-kii, mana jirin cid wax ku noqotay.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS