|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobey Oo Soo Dhaweysay Isbadalka Dadaallada Nabadeed Ee Wadamada Jabuuti Iyo Eritrea,
September 10, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay booqashada maalmo ka hor ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirada arrimaha dibedda ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu yeedhay “tallaabo kale oo muhiim ah” oo ku saabsan dalalka Geeska Afrika. War saxaafadeed uu soo saaray afhayeen Stephane Dujarric, Guterres wuxuu sheegay in heshiiska ay gaadheen afar ka mid ah wasiirrada si ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka oo tusaale wanaagsan u ah gobolka iyo kuwa ka baxsan. Waxa uu ku celiyay iney Qaramada Midoobay sii kordhin doonto taageerada wadamada gobolka si loo xoojiyo guulaha “cajiibka ah” ee dhowaanahan. Natiijada Booqashada Khamiistii, Eritrea iyo Jabuuti ayaa isku raacay in ay caadi u noqdaan xidhiidhka dib-u-dhiska diblomaasiyadeed kadib,murankii Xuduudaha ee Labada dal ka dhaxeeyay. Sidoo kale,Soomaaliya iyo Eriteriya ayaa bishii july horaanteedii isku raacay iney soo celiyaan Xidhiidhkii diblomaasiyaeed. Dhanka kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay horumarada siyaasadeed ee dhowaan ka hana qaaday Gobolka Geeska Afrika,gaar ahaan Heshiiskii wadajirka ahaa ee u dhaxeeyay Ethiopia,Eriteriya iyo Soomaaliya. Sidoo kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo dhoweeyay ka qeyb qaadashada wax ku oolka ah ee ku aadan caadi noqoshada xidhiidhka Jabuuti Iyo Eriteriya. “Horumaradan oo dhan waxay dhacayaan xilli isbedel wanaagsan uu ka jiro Gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta IGAD.waxaana lagu ammaanay hoggaanka iyo aragtida Gobolka.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Somaliland Cabdiraxmaan C/laahi Saylici Ayaa Maanta Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Allaha U... Mamulka Puntland Oo Beeniyey In Aan Wax Wada Hadal Ahi Dhex Marin Wasiiro Ka Tirsan Somaliland Intii... “Labadan Diyaaradood Waxaa Laysku Raacsan Yahay In Ay Sharci Inoogu Yimaadaan, Sida Ka Aynu Ku Wada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|