|
|||||
WAJAALE NEWS
Qalbi-dhagax oo Somaliland Ka Codsaday Xal U Raadinta Dhibaatada Soomaalida
September 26, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Jabhada ONLF oo maalintii shalay ahayd magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay ayaa waxa uu maanta kulano gooni gooni ah la qaatay mudanyaasha golaha Wakiilada iyo Guurtida Somaliland. Kulamadaasi oo saacado qaatay ayaa kadib markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadley Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo faah-faahiyay waxyaabihii lagaga wada hadley. Dhinaca kale Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” oo isna warbaahinta la hadley ayaa waxa uu sheegay in ujeedka iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen labada gole ay ka mid tahay is dhex galka Soomaalida meel kasta oo ay joogto waxaana uu xukuumada Somaliland ka codsaday in gacan wayn ay ka gaystaan xalinta meelaha Soomaalidu degto ee ay dhibaatooyinka ka taagan yihiin.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/m8hjo_lVB3Q Related posts:Adeega Shirkada Telesom Oo Xaaladeeda Laga Dayrinayo Iyo Bulshada Kawarwarsan Mustaqbalka Shirkadaa... Dhawaaqa Komishanka Doorashooyinka S/land Ee Fasaxa Bisha Ramadaan Wuxuu Marag Cad U Yahay Gaabiska ... Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) Oo Ku Geeriyooday ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|