Qaar Ka Mid Ah Jidadka Muhiimka Ah Ee Magaalada Muqdisho oo Xidhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar Ka Mid Ah Jidadka Muhiimka Ah Ee Magaalada Muqdisho oo Xidhan
September 27, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) – Waxaa saaka gabi ahaanba la xidhay qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Jidadka mihiimka ah ee la xidhay waxaa ka mid ah Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale, ciidamada dowladda ayaana ku sugan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ahi.

Lama ogola in ay isticmaalaan jidadka gaadidka rayid, hasse ahaatee kaliya waxaa la ogol yahay in ay isticmaalaan gaadiidka ay wataan ciidamadu.

Lama oga sababta loo xidhay jidadka magaalada Muqdisho oo ah kuwo ugu muhiimsan marka la eego isku socodka dadweynaha iyo gadiidka.

Xidhnaanshaha jidadka ayaa xayiraad muuqata ku keentay dad badan saaka doonayay in ay tagaan goobahooda shaqo, kuwaa oo qaarkood la arkayay iyaga oo lugeynaya.

 

COMMENTS
LINKS