Musharrax Xildhibaan Golaha Deegaanka Degmada Berbera Oo Fariin Udiray Taageerayaashiisa.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharrax Xildhibaan Golaha Deegaanka Degmada Berbera Oo Fariin Udiray Taageerayaashiisa..
September 10, 2018 - Written by Editor:

BERBERA(W,N) Musharrax gole-deegaan Maxamed Aftax, oo hore u shaaciyey inuu u tartamaayo golaha deeganka degmada Berbera, ayaa si rasmiya Maanta u shaaciyey inuu ka tanaasulay xilkii iyo Musharaxnimadiisi.

murashax afrax

Siyaasi Musharax hore Maxamed Aftax, ayaa sheegay inuu Dib uga laabtay damaciisi hore ee musharaxnimadiisi golaha deegaanka degmada Berbera, sidaas waxa uu ku faafiyey bartiisa Facebook, oo u soo dhigay qoraal kooban, kaasoo u dhiban sidan.

“… Bismillahi Raxmaani Raxiim Aniga oo ah Maxamed Aftax Xasan ahaana Musharax u taagnaa doorashadda golaha deegaanka ee degmada berbera.

  • markii aan sameeyay tashi badan oo naftayda ah lana tashaday intii aan islahaa waxay kugu kordhinayaan talo iyo tusaale markaan dhinacyo badan wax ka eegay markaan sameeyay rog rog iyo fiiro badan markaan waxaan go’aansaday maanta oo taariikhdu tahay 09/09/2018●

Inaan aniga oo miyirkayba qaba aan  ka tanaasulo damacaygii Musharaxnimo ee  kursiga golaha deegaanka .

Kadib duruufo jira awgood sidaa daraadeedna aan idiinku soo gudbiyo fariintayda

“Ugu dambayntii

Waxaanan halkan uga mahad celinayaa taageerayaashii iyo dhamaan bulshadii Reer saaxil iyo guud ahaanba Reer Somaliland ee taageerada iyo dhiirigelinta ila garab taagnaa ee sida muga iyo miisaanka leh ii taageersanaa ee ii hagar baxay oo ka koobanaa dhamaan qaybaha bulshada haday tahay Aqoonyahan dhalinyaro odayaal iyo waxgarad siyaasiyiin garabyadii haweenka qurba joog iyo qolqol jooba iyo bahda warbaahintaba  waxaan leeyahay waan idiin hayaa hiilkiinii ee idinmaan halmaamin idinmana halmaami doono

. dhamaantiin waa mahadsantiin idinkana ilaahay haydin taageero oo haydin garab galo Mudanayaal iyo Marwooyin…….

Allah Mahad Leh

Wa Billahi Towafiiq.

 

COMMENTS
LINKS