Midowga Yurub oo Soomaaliya U Ansixiyey Miisaaniyaddii Ugu Horraysay Taariikhda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midowga Yurub oo Soomaaliya U Ansixiyey Miisaaniyaddii Ugu Horraysay Taariikhda
September 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Midowga Yurub ayaa waxa ay meelmariyeen dhaqaalihii ugu horreeyey abid ee ay ku tageerayaan miisaaniyadda Soomaaliya. Lacagta lagu kabi doono miisaaniyadda Soomaaliya ayaa gaadheysa €100 million waxa ayna bilaaban doontaa dhamaadka sanadka 2018 ilaa iyo 2021.

Lacagta miisaaniyadda lagu kabayo waxaa la soo marsiin doonaa dowladda Soomaaliya, iyada oo la adeegsanayo nidamka ka jira dalka Soomaaliya.

Fulinta waxa ay bilaaban doontaa October kaddib markii lagu heshiiyey tallaabooyinkii ilaalinta, taas oo u ogolaaneysa in la dhiso awoodda dowladda Soomaaliya iyo maamul gobollleedyadeeda. Tani waxay ka dambeysay markii ay yaraatay cabsidii laga qabay in lacagtan lagu aamini karo dowladda Soomaaliya, sidoo kalenna qiimeyn lagu sameeyey habka hanti-dhawridda Soomaaliya, taasi oo muujisay is bedello lagu sameeyey hab maamulka maaliyadda Soomaaliya.

Midowga Yurub waxa uu Soomaaliya ka taageeri doonaa marka laga yimaaddo taageerada miisaaniyadda ee sidoo kale loo yaqaan (Dowlad dhisidda iyo qandaraaska adkeysiga), Federal-ka iyaga oo u soo maraya xoojinta maaliyadda ay dowladda u gudbineyso dowladdaha xubnaha ka ah.

Waxa ay xoojin doontaa heshiiska bulsho ee u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo shacabka Soomaaliya iyada oo si tartiib tartiib ah u kordhin doonta awoodda mas’uuliyiinta Soomaalida u leeyihiin bixinta adeegyada aas aasiga ah.

Ansixinta taageerada miisaaniyadan waxa ay qeyb ka tahay jawaabo baaxad leh oo ay caalmaku ka bixineyso tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ay dowladda Federal-ka Soomaaliya ka bixisay isbdelka siyaasadeed iyo fulinta.

Tallaabadan ayaa imaneysa hal maalin kaddib markii uu Bangiga aduunka ku dhawaaqay markii ugu horreeysay in Soomaaliya ay gacan ka heli doonto taageerada caalamiga ah ee horumarka ‘Interational Development Assistance iyaga oo dhaqaale taakulo ah siin doona dowladda Federal-ka markii ugu horreeysay 30 kaddib.

 

COMMENTS
LINKS