|
|||||
WAJAALE NEWS
Midowga Africa oo Soo Dhaweeyay Wadahallada U Bilaabmay Jabuuti iyo Eritrea
September 8, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddiga midowga Africa ee (AUC) ayaa waxa ay soo dhaweeyay wadahadallada hor dhaca ah ee u dhaxeeya dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea. Madaxada guddiga AUC Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in bayaanka wada jirka ah oo ay kala saxeexdeen hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea iyo dib u soo celinta xidhidhkii Jabuuti iyo Eritrea oo la odhan karo waa tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabada iyo xisiloonida gobolka. “Waxaan amaanaya hoggaamiyeyaasha Jabuuti, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya dhiiri galintooda ku aaadan nabada iyo wada jirka dadka ku dhaqan gobolka,” ayuu yidhi Faki. Itoobiya iyo Erirea ayaa hore heshiis uga gaadhay colaad soo soctay muddo ka badan 20 sano oo ay ku dhinteen dad kor dhaafaya 80,000 oo kala tirsanaa labada dal, kaddib markii uu go’aankan nabada uu qaatay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Related posts:Wax-garadka,Cuqaasha iyo Odayaasha Deegaanka MASALAHA Oo Si Adag Uga Hadlay Dhulka Lagu Muran San Ya... Xildhibaan Siciid Cudhay Oo Sheegay In Xukuumadu Doonayso In Ay Kaambayn ku Gasho Qodista Ceelka Shi... Xisbiga Ucid oo Ka Hadlay Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Waaxda Garsoorka iyo Ciidamada Booliska Gobolk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|