Meydka Wiil Yar oo Ku Dhacay Dhaam-Biyood Hargeysa Ku yaal oo Ciidanka Dab-demisku Soo Saaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Meydka Wiil Yar oo Ku Dhacay Dhaam-Biyood Hargeysa Ku yaal oo Ciidanka Dab-demisku Soo Saaray
September 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wiil yar  oo ku geeriyooday Dhaam Biyood ku yaala Xaafadda Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa, ayey Ciidammada Dab-demiska ee Caasimadda Hargeysa Meydkiisa ka soo saareen Galabta, ka dib Hawl-gal saacado qaatay oo ay ku baadhayeen Wiilkaas yar oo Abbaaro labadii duhurnimo ee Jimcihii Maanta markay Saacaddu ahayd ku dhacay Dhaamkaas.

Wiilka oo da’diisa 8 sano jir lagu sheegay, ee geeriyooday ayaa ku dhacay Ceel-biyood ku dhex-yaalla Dhaamka Jigjiga-yar, sida uu Shabakada Wajaalenews.net u sheegay mid ka mid ah Hawl-wadeennada Dab-demiska, oo ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan na siiyo.

Sidoo kale Ciidanka Dab-demiska, ayaa waxay baadi-goobayeen muddo saddex saacadood ah Meydka Wiilkan yar, waxaana markii dambe ay ku guulaysteen inay Meydkiisa ka soo saaraan Ceel-biyood ku dhex-yaalla Dhaamka, kaas oo ka mid ah Ceelal-biyood ay Dad ka dhex-qoteen Dhaamka dad iyagu iska leh Ceelal-kaas oo soo Maaxda, isla markaana iibiya Biyaha ay Ceelasha Dhaamka uga qodan uga soo dhex-maaxda.

Ciidanka Dab-demiska ayaa maydka Wiilkaas Yar ku wareejiyay Ciidammada Baadhista Dembiyada Somaliland ee C.I.D-da, waxaana la dhigay qaybta Meydka ee Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, iyagaana Kiiska gacanta ku haya oo baadhaya siduu u dhacay iyo inuu ku dhintay Ceel-biyood Cid gaar ahi leedahay iyo in kale, sida uu sheegay mid ka mid ah Hawl-wadeennada Dab-damiska oo nooga waramay dhacdadaas.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS