Maxkamada Ingriiska oo Markale Qaraar Ka Soo Saartay Khilaafka U Dhexeeya DP World iyo Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Ingriiska oo Markale Qaraar Ka Soo Saartay Khilaafka U Dhexeeya DP World iyo Jabuuti
September 5, 2018 - Written by Reporter:

London (WJN)- Maxkamadda sare ee England & Wales ayaa soo saartay amar ay kaga joojinayso hay’adda marsooyinka ee Jabuuti inay ka baxdo heshiiskii kala dhexeeyey shirkadda DP World.

Waxaa kale oo ay maxkamaddu ka hor istaagtay hay’adda marsooyinka ee Jabuuti in aanay eryin agaasimeyaasha terminalka kontaynarrada ee Dooraale.

Maxkamaddu waxay ku amartay hay’adda marsooyinka Jabuuti ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno PDSA in aysan wax faragelin ah ku samayn maamulka terminalka kontaynarrada ee Dooraale ilaa iyo amar dheeraad ah uu maxkamadda ka soo baxo maxkamadda, ama maxkamadda dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay London ay xal ka gaadho khilaafka.

Hay’adda marsooyinka Jabuuti waxaa inteeda badan leh xukuumadda Jabuuti, qofka madaxda ka ahna waa guddoomiyaha maamulka dekedaha iyo aagagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti.

Saamiyada laga tirada badan yahay ee PDSA waxaa leh China Merchants oo fadhigoodu yahay Hong Kong.

Amarka maxkamadda sare ayaa daba socda ka dib markii PDSA ay joojisay heshiiskii ay shuraakada kula ahayd DP World, iyo qabashada shirka aan caadiga ahayn ee ay isugu yeedhay hay’adda marsooyinka Jabuuti (PDSA) 9ka bishan Sebtember, si loo beddelo agaasimeyaashii ay u soo magacawday shirkadda DP World Terminalka Kontaynarrada Dooraale oo ay labada dhinac shuraako ku ahaayeen.

Guddoomiyaha dekedaha iyo goobaha canshuuraha ka caaggan ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Xaddi, wuxuu goor sii horeysay ku gacan saydhay go’aankaas maxkamadda ka soo baxay, isagoo sheegay in aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin shaqada Terminalka Kontaynarrada ee Dooraale.

Inkastoo uu Abuubakar Cumar Xaddi ku gacan saydhay go’aanka Maxkamadda, hadana maxkamaddu waxay hay’adda marsooyinka Jabuuti u qabatay ilaa iyo 14ka Sebtamber in ay difaaceeda maxkamadda la hortagto, markaas oo dhegeysi kale loo fardhisan doono.

Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World.

Marsada Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS