Markabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Itoobiya Leedahay oo 20 Sanno Kadib Ku Xidhay Dekeda Masawa Ee Eritrea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Itoobiya Leedahay oo 20 Sanno Kadib Ku Xidhay Dekeda Masawa Ee Eritrea
September 5, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Itoobiya ayaa ku xidhay dekadda Eritrea ee Masawa 20 sano ka dib, sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xidhiidh la leh dawladda.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay kala sixeexdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dadaalka ay Itoobiya oon bad lahayn ku doonayso in ay ku adeegsato dakadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka u dhaxeeyay ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaas oo galaaftay tobannaan kun oo ruux.

Markabka ayaa ka yimid Sucuudiga, sida ay Twitterka ku baahisay warbaahin gaar loo leeyahay.

 

COMMENTS
LINKS