|
|||||
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo dhaqaalaha ka jaraya hay’add taageerta Falastiyiniinta
September 1, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta. Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanaba hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay’addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA. Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu qiimeyn ku sameeyay hay’addani isla markaana uu go’aansaday in lacag dheeraad ah aan loogu yaboohin mar dambe. Bishii Janawri ee sanadkan ayaa Mareykanka waxa uu shaaciyay in uu xayirayo in kabadan kala badh dhaqaalaha uu siin jiray hay’addaasi. Hay’adda UNRWA ayaa hadda taageerta in kabadan shan milyan oo qof oo ku nool guud ahaan gobolka bariga dhexe, waxa ayna gacan ka geysataa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada. Mareykanka ayaa boqolkiiba soddon bixiya kharashka hay’addani ay ku hawlgasho, waxaana sanadkii 2016 uu siiyay kharash gadhaya 368 milyan oo doolar. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisu uu kordhin doono lacagaha deeqda ahi ee uu siiyo hay’addani maadaama ay dhaqaale xumo soo wajaheyso.
Related posts:๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐ฒโ๐๐da ๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฐ๐จ๐จ๐-๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฐ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ... DAAWO;-Maamulka Degmada Wajaale Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Sobobtay Ay Uxidh Xidheen Sariflayaasha Ma... Dawlada Kenya Oo ka Hadashay Amarkii Somaliya Kusoo Rogtay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |