Madaxweyne Muuse Biixi Waxa Xukuumadiisa Lagu Ogaadey Inaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalku Iskugu Mid Aheyn! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi Waxa Xukuumadiisa Lagu Ogaadey Inaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalku Iskugu Mid Aheyn!
September 27, 2018 - Written by Editor:

Kumanaan Qof oo Xisbiyadda Mucaaridka ah iyo Dadka Aqoonta uleh Shakhsiyadiisa Ayaa Maalin Walba ka Hadli jirey inaan Muuse Biixi Dalka iyo Dadka Somaliland u Sineyn Taas oo hadda ka muuqata Sida uu ugu Amar ku taaglaynayo Golaha Deegaanka Degmada Boorame oo uga eexanayo Kuwa kale oo dhan hadey Burco noqoto, hadey Berbera noqoto,hadey Golaha Deegaanka Caasimada ee Maalin walba lagaga Qeylyayo hanti boobka dhulboobka, iyo Musuqa hadey noqoto ka Gabiley intaba.

Miyaanay Cadaawad gaar ah aheyn in Boorame Golihii Deegaanka Ciidamo Boolis ah Gudaha loo Galiyo Miyaaney kala Qeybin Shacbi aheyn marka uu Leeyahey Hala Keeno Nin Makaahiil Ah oo Lagu Badelo oo ay isku Reer yihiin Keena miyaaney Kasii Xumeyn in Gole Deegaan Laga Kexeeyo Arinta oo Qabyaalad Loo Kala Qeybiyo Miyaaney Iyaduna aheyn Dhaqan Inaku Celinaya 1994kii in uu Saajin iyo Ina Sheekh Cali Ayaanle oo Golihii isagu ku fashilmey u Diro oo yidhaa idinkaa Qabiilkaas ahe idinkuna soo kala Qeybiya haddii Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle meel Wax kasoo Qabanayo hadda Reer Boorama wey barteen oo isagoo Wadaad inoo Sheegan jirey Waa ninkii Fasaxey Xeerkii KUFSIGA ee Culimadu ka Qeylyeysay hadii uu yahey Masuul hagaagsan maba uu yeeleen orod oo Soo kala Qeybi Golaha Deegaanka Boorame.

Majirto Maanta Cid ka Murmeysa oo Madaw kaga jiro Inaan Dalka iyo Dadku u Sineyn Muuse Biixi Sidaa ay Xukuumadiisa Ilaa Xogheyn ay ugu badan tahey Reerkiisa oo Kaliya ayey Shacbiga iyo Gobolada iyo Degmooyinkyna ugu kala Abtirsiimo Duwan yihiin Tusaale hadaan soo Qaadan lahaa mudadii uu Xilka Qabtey hadii uu Socdaal ku tagi lahaa Bari iyo Galbeed oo Dalkoo dhan mari lahaa Oo Ceel Afweyn ilaa Ceerigaabo gaadhi lahaa miyey Maanta Jabhadi jiri laheyd oo Caare iyo Ciidankiisu dibada u bixi lahaayeen Waa Maya ma Dhacdeen Maanteynu Yaabanahee Tolow Barina maxaa inoo Dambeeya haduu Sanadka buuxsado cago jugleyntaa iyo Cabudhintaa lagu bilaabey Golihii Deegaanka Degmada Boorame iyo Mid ka Daran ayeynu ka fileynaa taasina Waa Salaan iyo kala tagga.

Gabagabadii Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisu in aaney is dhaamin Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Boorame oo dhami Waxey ii Sheegeen in Maayarka iyo Madaxweyne Kuxigeenku isku Qabteen Dhul lasiiyay inanka oo Xoghayaha D/ hoose bixiyay oo Maayarku horjoogsadey  in khilaafku ka bilaabmey waar miyuu dhexdhexaadiyo ileyn Saylicina haduu Maalin Walba Inan Maxamed Case ahbaa La Taabteyda oo Makaahiilbaa Waxaa Naga Qaadanaya Yidhaa  oo Dadkii Reer Awdal Jilib jilib u Qeybiyo Wax Alaale iyo Wax Sumcad ah oo uu Gobolkii ku yeelanayaa Majirto umada Somalilandna Waxba kuma soo Kordhin karo ninka Gobolkiisii iyo Reer Boorame Qeybinayaa Muxuu Cid kale ku kordhin Muusena Waaba intuu doonayey Malaha Nin Casharadiisii Garanaya in uu helo.

Waxaan kusoo gunaanadayaa Golaha Boorame talaabo Fiicanbey Qaadeen Lkn Sidaa Cadaawada Leh ee Loola Dhaqmey Anigu Waan ka tacsiyeynayaa Waxaan kale oo aan leeyahey kuwa idiin Aamusey ee idinku eegay Sharciga la Kufsadey iyo Axmed yaasiinka layidhi usoo kala Abtiri Waxaan ugu Duceynayaa in ay u Dambeyn doonto Nabarkaa idinku dhacey.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

COMMENTS
LINKS