Madaxweynaha DDSI oo Kulankii Ugu Horeeyay La Yeeshay Xukuumadiisa iyo Amaro Uu Faray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha DDSI oo Kulankii Ugu Horeeyay La Yeeshay Xukuumadiisa iyo Amaro Uu Faray
September 3, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa waxa uu kulankii ugu horeeyay la yeeshay golihiisa xukuumada cusub.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa waxaa uu golihiisa xukuumada cusub uu kala hadley xaalada uu deegaanku ku sugan yahay iyo xaaladihii uu ku sugnaa  27 sanadood ee la soo dhaafay gaar ahaan 11 sano ee u danbeeyay, Isagoo xubnaha xukuumadiisa faray in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha la rabo in ay iska ilaalinayaan oo ay ka mid yihiin musuq-maasuqa, isla waynida qabiilka iyo kicinta qabaa,ilka iyo waxyaabaha la rabo inay ku sii foogaan oo ay u dhaqmaan si masuuliyad ah oo ay bulshadooda u adeegaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga dimuqraadiga shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide oo isna kulankan ka hadley ayaa waxa uu faah—faahin ka bixiyay natiijada qiimayntii qotata dheerayd ee ka soo baxday kulankii ay xubnaha xisbigu ku yeesheen magaalada Addis Ababa, isagoo xubnaha golaha xukuumada cusub kula dardaarmay sidii ay u gudan la haayeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/KyZEjOFC5Ww

COMMENTS
LINKS