|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynayaasha Jabuuti Iyo Eritrea Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Jeddah.
September 17, 2018 - Written by Editor:Jidah(W,N )– Kulankan madaxda jabuuti iyo Eritrea ayaa ahaa kulan la sii saadaalinayay kaasi oo xiiso gooni xambaarsanaa kaddib markii madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isayeas Afwerki kulan foolka foola ku yeesheen Magaaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Geelle iyo Etria Asiyes Afwerki ayaa Kulan koodani ku bilowday is gacan qaad iyaga oo marxabeynaya, waxaana soconaya kulamo gaar gaar ah loogu kala dabqaadayo labada mas’uul si loo soo afjaro xiisada iyo muranka dhulleed ee labada dal muddo dheer-ba dhax tiilay. Wali sirasmi looma oga waxyaabaha kasoo baxay iyo qodobada ay wada gadheen. Dhawaan waxaa Jabuuti tagay wafti heer sare ah oo ka socday wadamada gobolka, waxaana wafdigaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Osman Saalax. Itoobiya iyo Eritrea ayaa horay iyagu si iskood ah u soo afjaray murankii dhanka xudduuda ah ee dhiigga badan uu ku daatay, waxaana la filayaa in si taa la mid ah loo dhameeyo khilaafka labada dowladdood ee Jabuuti iyo Eritrea. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Cusub oo Lagu Kordhiyey Cusbitaalka Guud ee C... Wakiilka Somaliland Ufadhiya Dalka Kenya Oo Ka Waramay Xidhiidhka Labada Dal Iyo Sida Uu U Arko Khil... DAAWO;Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Sharaxay Ujeedka Hawlgal Ay Xalay Sameeyeen, Farriinna U Diray Mu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|