Madaxwaynayaasha Jabuuti Iyo Eritrai Oo Kulankoodii Ugu Horeeyay Ku Yeelanaya Adis Ababa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynayaasha Jabuuti Iyo Eritrai Oo Kulankoodii Ugu Horeeyay Ku Yeelanaya Adis Ababa.
September 11, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Waxa la filayaa inuu maanta Addis Ababa ka furmo shir madaxeedka IGAD, waxaana markii u horaysay si toos ah la isu horfadhiisinaya madaxweynayaasha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Ereteriya Issias Afawerki.

Shirkan oo uu muddo dheer ka dib ka soo qayb galayo Madaxweynaha Ereteriya, waxa loogu wanqalayaa isfahamka nabadeed ee u bilaabmay Ereteriya iyo Djibouti, waxaana gacanta la isu saari doonaa labada madaxweyne ee labadan wadan oo sannado badan hawada isu marinayay weedho dagaal iyo hanjabaad ah oo la xidhiidha khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya.

GEELE IYO ASAYES

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay isfahamka nabadeed ee Ereteriya iyo Djibouti oo ay ka shaqeeyeen dawladaha Sucuudiga iyo Itoobiya.

COMMENTS
LINKS