Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Hadlay Sooyaalkii Taariikheed Ee Marxuum Jaamac Nuur Xasan Oo Hargaysa Ku Geeriyooday, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Hadlay Sooyaalkii Taariikheed Ee Marxuum Jaamac Nuur Xasan Oo Hargaysa Ku Geeriyooday,
September 12, 2018 - Written by Editor:

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/09/2018, Magaalada Hargeysa.

marxuum jaamac nuur

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka oo uu ka mid ahaa dadkii wakhtiga geliyey midnimada iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ay ku nool yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

 

COMMENTS
LINKS