Madaxda Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya oo Asmar ku kulmaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxda Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya oo Asmar ku kulmaya
September 5, 2018 - Written by Reporter:

Asmara (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo shirki China ka soo noqday wuxuu toos ugu sii gudbay maglada Asab ee dalka Eretrea halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Isayas Afawarqi.

Ra’iisal wasaaraha oo ka qayb galayo shirka seddex geesoodka oo maalinta berito ee Khamiista seddexda hoggaamiye uga furmaya magaalada Asmara.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wuxuu isna gaadhay magaalada Asmara oo uu uga qayb galayaa shirkaasi.

Risalwasaare Abiy, Madaxweyne Isaayaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Shirkan seddex geesoodka ee ay waddamadaasi yeelanayaan oo berito Khamiista iyo Jimcaha magaalada Asmara ka soconaya ayaa la filaya iney seddexda hoggaamiye ku falanqeeyan heshiisyadii ay dhawaan gaadheen wax ka qabsoomay iyo sidii heshiisyadasi loo sii dardargelin lahaa.

Shirkana seddex geesoodka oo halku dhig looga dhigay dardargelinta Iskaashiga iyo Nabadda.

Dhinaca kalana Itoobiya ayaa 20 sano kaddib mgalada Asmara ka furaneyso safaaraddeeda iyada oo la filayo iney munaasabadda safaaradda lagu furayo ay seddexda hoggaamiye goob joog ka noqdaan.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS