|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxda Dalalka IGAD oo U Fadhiya In Eritrea Lagu Soo Dhaweeyo Xubinnimada Ururka
September 12, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, Axmed Ciise Cawad, oo waraysi gaar ah siinayey laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in arrinta Eritrea looga hadlayo shirka madaxda IGAD. Wuxuu sheegay in laga gudbay “arrintii keentay in markii horeba laga saaro ururka”, isagoo sheegay in “xalay laga noqday”. Arrintaas ayuu sheegay in sababteeda ay leeyihiin “hogaamiyeyaasha cusub ee yimid, Iyadoo la go’aansaday in dhinaca iskaashiga loo jihaysto”. Doorka Soomaaliya ay ku leedahay arrinta Eritrea iyo Jabuuti ayuu ku tilmaamay inuu yahay “isu soo dhoweynta dalalkaas. Labada dal waxay ballan qaadeen inay dhamaynayaan khilaafka” ayuu yidhii. Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan goobta shirka, waxaana la filayaa in ay goor dhow ku kulmaan goobta Shirka. Madaxweyanaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi farmaajo ayaa isna duhurnimadii maanta gaadhay magaalada Addis Ababa. Garoonka waxaa uga hor tagay ku simaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo madaxa xisbiga deegaanka ka arrimiya, Axmed Shide. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|