|
|||||
WAJAALE NEWS
Layla Cali oo Noqotay Qofkii Ugu Horreysay Ee Soomaali Ah oo Loo Doorto Baarlamaanka Sweden
September 16, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Layla Cali Cilmi ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda bariga Afrika oo ku guulaysta mid ka mid ah kuraasta baarlamaanka dalka Sweden. Guusha ay Layla gaadhay ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay bulshada Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Sweden. Layla oo ka socotay xisbiga Green Party ayaa waxay ma tali doontaa degmada Angered ee ka tirsan magaalada Gothenburg taa oo ay ku badan yihiin dadka ka soo jeeda Geeska Afrika. Degmada Angered ayaa waxaa ku nool illaa 14,000 oo qof oo Soomaali ah. Layla iyo qoyskeeda ayaa waddanka Sweden galay sanadkii 1990 xilligaa oo dalka Soomaaliya uu ka socday dagaal sokeeye, Layla ayaa waxay ballan qaaday in ay ahmiyada koowaad ka dhigi doonta dhanka waxbarashada. Related posts:Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Ka Hadlay Udiyaargarowga Diwaangalinta Iyo Waajibka Ka Saaran Xukuuma... Wasaaradda Waxbarashada oo Sheegtay In Ay Sharciga La Tiigsan Doonto Macalimiin Mudaharaad Sameeyay Wasiir Axmed Shide Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Faa,iidada Ay Dekeda Berberi Uleedahay Shacabka Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|