La Taliyiha Ololihii Doorashada Ee Madaxweyne Trump Oo La Xukumay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
La Taliyiha Ololihii Doorashada Ee Madaxweyne Trump Oo La Xukumay
September 8, 2018 - Written by Editor:

La taliyihii arrimahad doorashada ee ololihii Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa lagu xukumay xadhig dhan 14 maalmood kadib markii uu been u sheegay saraakiisha ciidamada dambi baadhista ee FBI-da.

Saraakiisha FBI-da ayaa waxa ay wadeen baadhitaanno ku aaddan eedaymihii ahaa in Ruushku uu faro galin ku sameeyay doorashadii ka dhacday Maraykanka ee ku guulaystay madaxweyne Trump.

La taliyihii hore ee arrimaha doorashada Trump George Papadopoulos oo qiray in falal dembi ay dhaceen xilligii doorashada ayaa waxa lagu xukumay in uu 9.5 kun oo dollar bixiyo sidoo kalen 200 oo saac ka shaqeeyo adeegyada bulshada si bilaasha.

Maxkamad ku taalla Washington ayuu ka sheegay la taliyuhu in uu dalkiisa jecel yahay balse uu khaladaad sameeyay.

George Papadopoulos ayaa ah qofkii ugu horreeyay ee la xidho muddadii uu baadhitaanka ku aaddan doorashadii maraykanka ee Trump lagu doortay socotay, taasoo lagu eedeeyay in Ruushku uu faro galin ku sameeyay.

COMMENTS
LINKS