|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafka Udhexeeyada Maamul Gobolleedyada Somaliya Iyo Dawlada Dhexe Oo Sii Xoogaysanaya Iyo Shuruud Ay Ku Xidheen Shirka Uu ku Baaqay Madaxwayne Farmaajo.
September 14, 2018 - Written by Editor:Muqdisho(W,N) –War ka soo baxay golaha iskaashiga dowladda gobolleedyada Somaliya oo dhawaan ku dhawaaqay in ay xidhiidhka u jareen dowladda dhexe, ayaa marba marka kasii danbaysa sii Xoogaysanaya kuwaasi oo sharuud ku xidhay ka qeybgalka shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu yahay in 17ka bishan leysugu yimaado. Warka ka soo baxay golaha Iskaashiga dowlad gobolleedyada ayaa lagu sheegay in ay ka qeybgali karaan shirkaa marka la hello oo kaliya cid kale oo saddexaad oo dhaxdhaaxdisa iyaga iyo dowladda iyo damaannad qaad buuxa oo siyaasadeed. Sidoo kale golaha iskaashiga ayaa dalbadaya in marka hore ay tahay in leyku afgarto ajandaha shirka iyo goobta lagu qabanayo sababo amniga la xidhiidha awgood. Sidoo kale golaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in garwaaqsato baahida deg deg ah ee loo qabo in xal waara oo kama danbeys ah laga gaadho khilaafka taagan si markaa loo badbaadiyo dalka iyo dadka intaba. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada isugu yeedhay shir looga hadlayo arimaha amniga, iyadoo dhinaca kalana uu jiro shaki dowlad gobolleedyada qaarkood ay ka qabaan dowladda kaa oo la xidhiidha fara-galin marka la gaadho doorashooyinka ku soo foolka leh qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira dhamaadka sanadkan. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|