Jabuuti oo liiska dowladaha xalinta khilaafka Eritrea ka saartay Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jabuuti oo liiska dowladaha xalinta khilaafka Eritrea ka saartay Soomaaliya
September 8, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in kaalinta wadahadalka kala dhexeeya dowlada Eritrea ay uga mahad celineyso dowlada Sacuudi Arabia.

Qoraal uu bogiisa Twitter-ka uu ku soo daabacay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadineyso labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga ay kaalin mug leh ka qaadatay dhex dhexaadinta Jabouti iyo Eriterea oo wali socda.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu soo hadal qaaday oo uu ku hambalyeeyay doorka dowladda Ethiopia  ee ku saabsan sidii xal looga gaadhi lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Wasiirku kama aanu hadal kaalinta ay dowlada Soomaaliya ka qaadaneyso wadahadalka Jabuuti iyo Eritrea.

Wadahadalka dowladaha Jabouti iyo Eriterea ayaa waxaa gadhwadeen ka ah dowlada Soomaaliya ee uu Hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wafti ka kooban Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti iyo Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Jabuuti ayaan la ogayn sababta ay Soomaaliya uga saartay liiska dowladaha kaalinta ka qaadanaya xalinta khilaaf siyaasadeedka Eritria iyo Jabouti.

 

COMMENTS
LINKS