|
|||||
WAJAALE NEWS
Jabhada Oromada Ee OLF oo Maalinta Berito Ah Soo Gaadhaya Magaalada Addis Ababa iyo Rabshado Laga Cabsi Qabo In Ay Dhacaan
September 14, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Maalinta sabtida ee Berito waxaa si rasmi ah magaalada Addis Ababa u soo gaadhaya jabhadda Oromada ee OLF oo ku dhawaad nus qarni dagaal hubeysan kula soo jirtay dowladda Itoobiya. Waxaana loo diyaariyey soo dhaweyn aad u weyn oo ay u diyaariyeen dowladda Itoobiya iyo taageerayaasha Jabhadda oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya. Maalmo ka hor taageerayaasha Jabhadda OLF oo diyaar garowga soo dhaweynta ku diyaarinayey magaalada Addis Ababa iyo dhalinyara ka soo horjeedday ayaa waxaa dhex maray iska horimaad ay dad ku dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeen. Wariyaha BBC-da qaybta Af-amxaariga uga soo warrama magaalada Addis Ababa ayaa wuxuu maanta booqday xaafadihi ay maalma ka hor iska horimaadyada ku dhex mareen dhinacyadi iska soo horjeeday. Wuxuuna wariyuhu sheegay “goobihi ay rabshaduhu ka dhaceen inkasta oo ay maanta xasilooon yihiin haddana waxaa weli laga dareemayaa saansaan colaadeed gaar ahaanna xaafadaha Winget, Atobis-tera, Pawlos, Medihanalam, Piasa iyo Markaato.” Waxaadna arkeysaa ayuu yidhi “meherado badan oo xidhan oo aan billaabin adeegyadii caadiga ahaa sida dukaannada, iwm…” Wariyuhu wuxuu intaa ku daray “xaafadda Winget oo ay rabshadihi ugu badnaa ka dhaceen maalinti Arbacada gebi ahaanba meheraduhu wey xidhan yihiin iyada oo iisu socodka dadka iyo gaadiidkanu uu aad ugu yar yahay waddooyinkana xaafaddaasi.” Waxaadna waddooyinka aad ku arkeysaa ayuu yidhi “dad badan oo lugeynaya oo waayey gaadiidkii shacabka ee ay isticmaali lahaayen ” “Xaafadaha Pawlos dhismayaasha waaweyn ee ku yaalla waxaa ka babbanaya calanka jabhadda Oromada ee OLF.” “Halka aad dhinaca kalana arkeyso dhalinyaro tira badan oo sita calanka seddexda midab ka kooban ee Itoobiya oo aan weli dalka laga sharciyeyn balse ay adeegsadaan ururrada mucaaradka iyo taageerayaashooda.” Qaar ka mid ah dadki lugeynayey oo uu wariyuhu weydiiyey waxa ay dareemayaan ayaa waxay u sheegeen “laga billaabo maalinti ay rabashadahu ka dhaceen magaalada ilaa iyo maantadan la joogo iney istaageeen gaadiidki shacabka oo xaafaddooda iman jiray.” Wariyuhu waxaa kale oo uu sheegay inaad waddooyinka ku arkeysid gaadiid boolis tira badan ay saaran yihiin oo ku sii qulqulaya xaafadihii ay maalmo ka hor rabshaduhu ka dhaceen . Booliska federaalka Itoobiyana wuxuu xaqiijiyey rabshadihii magaalada Addis Ababa xaafado ka mid ah ka dhacay inuu “hal qofna uu ku dhintay dad badanna ay ku dhaawacmen”.
Source: BBC Somali COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|