|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea oo Heshiis Wada Saxeexday
September 6, 2018 - Written by Reporter:Asmara (WJN)- Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku wada saxeexday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. “Heshiiskan ayaa dhigaya in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar,” sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya. Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Intii ay kulanka lahaayeen masuuliyiintaasi waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli laha khilaafka soo kala dhex galay Eritrea iyo Jabuuti. Waxayn ku heshiiyeen “in la billaabo wada xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka,” ayuu yidhi agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed. Dhawaan ayay ahayd markii ay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ka wada hadleen madmadaw soo kala dhex galay oo billawday intii uu hagaagay calaaqaadka Eritrea iyo Soomaaliya. Masliiyintan ayaa shir labo saddex geesood ah yeelanaya labo maalmood oo Khamiistan ka billabnaysa.
Related posts:Munaasibad Loogu Dabbaal-degayo 59-guurada kasoo Wareegtay Markii ay Somaliland xorriyaddeeda Ka Qa... Xog.Culus:Yaa Dalbaday $ 500,000 Dollar Ee uu Xilka ku Waayay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe? Xogo kashifay Qorshe Madaxtooyadu Waday Oo Maalmihii U danbeeyay kulamo Qorsoodiya Ay Kula Yeelata... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|