|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo noqotay waddanka koowaad ee caalamka ee dadka ugu tirada badan ay dalka gudihiisa ku barakaceen
September 13, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Xarunta caalamiga ah ee dabagalka barakacayaasha dalka Itoobiya (IDMS) ayaa waxay sheegtay in lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2018-ka oo keli ah inay dad aad u tira badan dalka gudihiisa ku barakaceen. 1.4 milyan oo qof oo colaadda Itoobiya ka dhacay ku barakacay ayaanay dowladdu waxba u qaban. Madaxa hay`adda NRC ee gobolka Nigele Tirics wuxuu sheegay in xukuumadda Addis Ababa ayna ahmiyad siin dhibaatada dalka gudihiisa ka taagan, beesha caalamkana ay indhaha ka qabsadeen. Dadka ugu badanna waxay ku barakaceen colaaddii ka dhex dhacday beelaha Oromada iyo Soomaalida, Geedio iyo Guji, iyadoo dadka ku barakacay dagaallo beeleedyadaasi ay kor u dhaafeen 1.4 milyan oo qof. Barakacayaasha ayaa doonaya inay deegaannadii ay ka soo qaxeen dib ugu noqdaan, balse dhibaatada taagan ayaa waxay tahay ayuu yidhi Mr Trics, dadka oo fara madhan, hoyna aanu ka horreyn noqoshadooda inay dhibaata kale u horseedeyso.
Related posts:DAAWO ;Hordhaca Wareysi Kulul Oo La Yeeshay Maayarka Caasimada Hargeysa Muxuuse Kaga Jawaabay? Halkan Ka Akhriso; Dhacdo Aad U Xanuun Badan Oo Murti Badanina Ku Duugantahay Oo Dhex Martay Oday 70... Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Uu Hogaaminayo Maayarka Magaalada Turku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|