Itoobiya oo Ciidamadeeda Kala Baxaysa Xuduuddda Eritrea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Ciidamadeeda Kala Baxaysa Xuduuddda Eritrea
September 12, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Ra”iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka bixi doonaan goobaha soohdinta ah ee dalkaasi uu la wadaago Eritrea laga bilaabo maalinta Salaasada.

Arrintan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha labada dal ay dib u fureen baraha la isaga gudbo ee xuduudda labada dal halkaas oo ay colaadi ka taagnayd labaatankii sano ee u dambeeyey muran la xidhiidha xuduudda awgiis.

Kumanaan qof oo ay ku jiraan askar ka kala socota labada dhinac ayaa kala qayb galay hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya dib u furitaanka xuduudda magaalooyinka Burre iyo Zalambessa kuwaas oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ahaa furin dagaal oo labada dal u dhaxaysa.

Todobaadkii hore, ciidamo labada dhinac ka kala socda ayaa ka qayb qaatay hawgal lagu saarayey miinooyinka laguna qaadayey jid gooyooyinka kuwaas oo ragaadiyey ganacsiga iyo isu socodka dadka labada dal oo colaadi ay ka dhaxaysay tan iyo sanadkii 1998.

Heshiiskii ay qaramada midoobay gadhwadeenka ka ahayd ee la saxeexay sanadkii 2000 ayaan marna la dhaqan galin dalalkuna ay xaalad dagaal kusii jireen.

In ciidamada laga saaro deegaanada lagu muransan yahay ayaa markasta ahayd dalab ka imaanayey Eritrea- taas oo hore ugu eedaysay Itoobiya in ay jabisay heshiiskii sanadkii 2000 ee xuduudda.

Balse labada dal ayaa kala saxeexday heshiis nabadeed oo cusub bishii July, kaas oo aayar aayar u baddalayey xidhiidhka u dhexeeya Eritrea iyo itoobiya kuwaas oo aan lahayn xidhiidh ganacsi iyo mid diblumaasiyadeed toona tan iyo dabayaaqadii sagaashameeyadii.

COMMENTS
LINKS