“Ismaaciil Buubaa, keli kuma Aha Raggii Dalkan Usoo Halgamay Ee Haddana Qaybta ka Noqday Maalmo Madoobaa Oo Xukuumadihii ka Soo Dhismay Somaliland Jilbah Dhulka Loogu Dhigay”Mustafe Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ismaaciil Buubaa, keli kuma Aha Raggii Dalkan Usoo Halgamay Ee Haddana Qaybta ka Noqday Maalmo Madoobaa Oo Xukuumadihii ka Soo Dhismay Somaliland Jilbah Dhulka Loogu Dhigay”Mustafe Shiine.
September 2, 2018 - Written by Editor:

“Maanta Wasiirkeena Arrimaha Gudaha Wuxu Ahaa Masuulkii Ugu horeeyay Ee Inta Uu Xukuumad Iska Casilo Haddana ku Abaabula Dagaalo Sokeeye Oo loo Diido Inay Talaabo Hore u Qaado Dawlad Somaliland leedahay, keli kuma Ahayn Maxamed Kaahin Ee Waxaa ku Barbar Taagnaa Kooxdiisii Oo Madaxweynihiisa Waqtiganina Uu Ka Mid Ahaa”MUSTAFE SHIINE.

SHIINE

Ragga waxa ka mid ah kuwa hadda sita Astaanta qaranka ee uu ka mid yahay wasiirkii ugu horeeyay ee gaashaandhiga ee Somaliland oo maantana ah wasiirkeena Arrimaha gudaha oo noqday masuulkii ugu horeeyay ee inta uu xukuumad iska casilo haddana ku abaabula dagaalo sokeeye oo loo diido inay talaabo hore u qaado dawlad ay Somaliland leedahay, keli kuma ahayn Maxamed Kaahin ee waxaa ku barbar taagnaa kooxdiisii la odhan jiray ” Calancasta” oo madaxweynihiisa waqtiganina uu ka mid ahaa,

MAXAMED KAAHIN

Waxana tallaabooyinkaa oo ilaa soo taxnaa qaaxo aynu ka nasanay intii uu dalka ka talinaayay Daahir Rayaale, sida aad ogtihiin xukuumaddii Maxamed X.Ibraahin Cigaal waxa iyana wakhtigiiba ka lumiyay ficilkii kala xantaysiga iyo ku jiqsiida ku dhisnaa ee ay kooxihii SNM isku hayeen, nasiib wanaagse waxa uu dalkani kaga soo gudbay mugweynidii siyaasadeed iyo waayo aragnimo ee Marxuum Cigaal, taasi oo kooxahaasi uu ku geliyay marxalad suuxdineed oon anigu u haystay geeri, balse ay hadda soo if baxayso inay soo miirsadeen oo ay mar kale doonayaan inay dib u soo celiyaan ciyaarahoodii.

SAWIRKA HALGAMAYAASHA

Labadii xili ee ay kooxahani naga maqnaayeen suuxdinta ee cahdiyadii Rayaale iyo Siilaanyo waxa muuqatay inaanay jirin fursad saamaxaysa inuu nin xuniba ku fikiro in dalka dagaal sokeeye la geliyo ama dawladnimadeena ruuga dhulka loogu dhufto.

Taariikhdu waxay u baahan tahay in ay noqoto tagto leh dhacdooyin wax laga barto, sidaa daraadeed waxa maalmahan muuqata in shacabkii taa ku baraarugsanaan lahaa loo kala abtirinaayo oo ay kala amaanayaan raggaa badh qarniga ku loolamayay hogaaminta iyo u kala sadburinta shacabka Somaliland, waxaanad arkaysaa kuwo ka dhigaaya Ismaaciil Buubaa inuu deyrkii Mako gubay mar haddii uu yidhi ” wejiga ay ciidmadeena qaranku lee yihiin ma qurux badnee dib ha loo eego” iyagoo is diidsiinaaya in intaa iyo in kabadanba ay siyaasiyiinteenu odhan jireen, Buubaa sidoo kale maaha siyaasiga keliya ee ka soo noqday mabdi’ii lagu hoogay ee Somaliweyn ee dalka yimaada, qaarbaa haddaba shidhka hore ee gaadhiga xukuumadda ku jira oon horeyna cirbad dun ugu gelin qarankan, Ismaaciil waabuu u soo dagaalamay xorreyntiissiiyee.

Haddaba taasoo jirtana waxaan Ismaaciil iyo kooxdiisii qaaxo ragga hadda la lee yahay way soo xoojiyeen oo Hargeysay ku soo degeen aan lee yahay dhaliishu way furan tahay, laakiin shacabkani waa ka soo daalay xili dib loogu rido hogii ay ka soo badbaadeen dagaale sokeeye iyo dhiigooda oo laysku qubo, nimaanu far ku ridi karona qori u qaadan mayno, qalooc aanu is dhaliilid iyo qalin ku toosin karana jabhado u abuuri mayno.

Dhamaanteena waa in caqligu shaqeeyaa ee aanay cududu shaqayn ciidan dawladeed walaa jabhad ma jiro mid cabiidin kara ummaddan ee aynu dhawrano hay’adaheena aynu ku jiifsano ee cadowga shisheeye inooga filan, tuuga iyo kan xuna inaga dabra.

QALINKII; EX BADHASAAB MUSTAFE CABDI CIISE SHIINE

COMMENTS
LINKS