|
|||||
WAJAALE NEWS
Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo gaadhay Jeddah
September 16, 2018 - Written by Reporter:Jeddah (WJN)– Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaadhay Jeddah, si ay u saxeexaan heshiis nabadeed oo u dhaxeeya labada dal. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz ayaa martigaliyay shirka ay wadaagayaan Itoobiya iyo Eritrea , kaas oo Axadda ay ku saxeexi doonan heshiis nabadeed. Munaasabadda saxeexa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey,Antonio Gutters iyo Madaxa Midowga Afrika, Mousa Faki. Bishii July madaxda Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaadhay heshiis lagu soo afjaray colaaddii muddada labaatanka sanno u dhaxeysay labada dal, waxaana dib u soo laabtay xidhiidhkii diblomaasiyadeed. Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is beddelada ka socda gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiska Eritrea iyo Itoobiya. Related posts:Maayarka Berbera Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga UCID Oo La Sheegay In Laydha Kulmiye Qaadatay Iyo Xukuumadd... Taliyaha Ciidanka Itoobiya Oo Ka Hadlay Xaalada Nabadgalyo Ee Xuduudka Udhexeeya Sudan Iyo Gobolka T... DAAWO; Shirkada Shaybaadhka Culuumta Dhulka Oo Markii Ugu Horeysay Laga Furay Somaliland Iyo Adeegya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|