|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha wasiirrada ee DDSI oo la ansixiyey
September 2, 2018 - Written by Reporter:Jig Jiga (WJN)- Baarlamaanka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha xukuummadda ee dhawaantan la hor keenay, kuwaasoo isugu jira wasiirro iyo maareeyeyaal. Magacyada xubnaha la ansixiyey ayaa kala ah 1 Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar 2 Madaxweyne Ku xigeen Aadan Faarax Ibrahim 3 Wasiirka Biyaha Bashiir Shaafi 4 Wasiirka Maaliyadda Bashiir Dubbad 5 Wasiirka Madaxtooyada Xasan Dhaadhi 6 Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse 7 Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed 8 Wasiirka Beeraha C/qaadir iimaan 9 Wasiirka Howlaha Guud C/fataax Sheekh Biixi 10 Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Axmed Xasan 11 Wasiirka Ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Cabdi 12 Wasiirka Qurbajoogta Xabiib Xaaji 13 Wasiirka Xeer-ilaalinta C/wali Jaamac Ibrahim 14 Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq 15 Wasiirka Cadaaladda Mubaarak Sheekh Cumar 16 Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Xasan Aadan 17 Wasiirka Haweenka Ayaan Cabdi Shukri 18 Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali 19 Wasiirka Dhalinyarada Xasan Faarax Cali 20 Wasiirka Dooxooyinka Axmed Deeq Maxamed 21 Wasiirka Sayniska Axmed Naaji 22 Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Ilyaas Abiib 23 Maareeyaha Xafiiska xirfadaha iyo tababarrada 24 Maareeyaha Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali 25 Maareeyaha Wakaaladda Jidadka Sacaada Giire 26 Maareeyaha Wakaaladda Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi Madaxda cusub ee la magacaabay ayaa waxaa aad ugu yar dumarka marka la barbar dhigo kuwii ku jiray maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar. Badidood ayaa la sheegayaa in ay yihiin dad siyaasadda deegaanka ku cusub, una badan aqoonyahanno.
Related posts:Daawo ;Dhalinyarada Gabiley Oo Daaha Ka Fayday Musuqa Madaxda Degmada Gabiley Iyo Baaq Ay Xukuumada ... Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay War-murtiyeed Kasoo Baxay Shir Ay Yeesheen Dalalka ... Madaxwaynaha Jsl Iyo Nuxurka Khudbad dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Uu Ka Horjeediyay Labada Gole Ee S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|