|
|||||
WAJAALE NEWS
Golaha Deegaanka Magaalada (Clarkston, Georgia state USA) oo Aqoonsaday Somaliland
September 5, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Golaha deegaanaka magaalada Clarkston ee dalka Mareykanka, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay aqoonsadeen Somaliland, iyaga oo si qoto dheer uga warbixiyey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in loo aqoonsado dal ka mida waddamada dunida. Wasaaraada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadd Somaliland waxa ay mahadnaq iyo bogaadinba u diraysaa golah deegaanka ee maragaalada Clarkston, ee gobolka Georgia ee dalka Mareykanka sida dhiiranaanta leh ee ay u qireen xaqa ay Somaliland in u leedahay in la aqoonsado. Golaha deegaanka magaalada Clarkston ayaa si qoto dheer uga warbixiyey sababaha ay Somaliland xaq caalami ah ugu leedahay in la aqoonsado. Iyagoo baaq u diray ururka midawga Africa iyo dhamaan bulsho waynta caalamka in la gaadhay wakhti aan la hilmaami Karin sharcinimada iyo xaq nimada ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado. Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay hambalyo, bogaadin iyo mahadnaqba u soo jeedinaysaa muwaadiniinta reer Somaliland ee sida gaarka ah iska xil saaray hawshan gaar ahaan Samiya Cabdillahi Walanwal oo bilawday hawshan iyo dhamaanba muwaadiniita reer Somaliland ee taageerada la garab istaagay oo ay ka mid yihiin. Jamal Yusuf Daroor, Fuaad Abdi Ismail, Ali Qanaf, Osman Yusuf Mohamud, Ali Hussein, Mubarak Suufi Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay mahadnaq balladhan u soo jeedinaysa xubnaha golaha deegaanaka magaalada Cler Mayer: Ted Terry xildhibaan, Andrea Cervone, Jamie Carroll, Ahmed Hassan, Keith Barker, Tracy Ashby, Stephen Quinn. Wasaaradda arrimaha dibeddu waxay si gaara ugu mahad celinaysaa Xildhibaan Ahmed Hassan oo ahaa Xildhibaankii mooshinka soo hordhigay golaha deegaanka magaalada Clarkston ee dalka maraykanka iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay mooshinka. Arintan ayaa waxa ay ka mid tahay dedaalada ay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ugu jirto sidii ay ugu qancin lahayd aqoonsiga Somaliland dhamaan qaybaha bulsho waynta caalamka qof qof, Golayaal iyo Dawladoba.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/FcXEZPPVj8Q
Related posts:“Waxaynu Ognahay In Madaxwaynuhu Diyaar Uyahay, In Doorashada Madaxtooyadu ku Qabsoonto Wakhtigeedii... Bulsho Waynta Ku Dhaqan Magaalada Kalabaydh Ee Katirsan Gobolka Gabiley Oo Dalbaday In La Ansixiyo... Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Dr maxamed Cabdilahi Cumar oo sheegay in Xilkaqaadistiisu salka ku hayso... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|