Gari ku tumatay hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gari ku tumatay hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay
September 5, 2018 - Written by Reporter:

Hooyo iyo wiilkeeda oo saddex jir ah ayaa aad u dhaawacmay ka dib markii ay ku tumatay gari iyaga oo ku sugan beer ku taalla Koonfur Afrika sida ay ku warrantay warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ER24.

Shaqaalaha gurmadka caafimaadka ee degdegga ah “ayaa dawayn degdeg ah u fidiyay” ka hor inta aan diyaarad la saarin si loo gaadhsiiyo Cisbitaal lagu soo daweeyo, ayay tidhi ER24.Gari

Wali ma cadda sida ay ku dhacday in garidaasi ay ku tumato haweenaydaas, waxaa la rumaysan yahay in ay da’da soddomeeyada jirto iyada iyo ilmaheeduna ay ku sugnaayeen beertooda oo ku taalla gobolka fog ee Limpopo oo dhaca dhanka waqooyo ee dalka Koonfur Afrika.

COMMENTS
LINKS