Garabkii Uu Hogaaminayay Uurcade oo Ka Laabtay Dacwadii Ay Ka Gudbiyeen Waddani, Sheegayna Inay Dib Ugu Soo Laabteen Xisbiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabkii Uu Hogaaminayay Uurcade oo Ka Laabtay Dacwadii Ay Ka Gudbiyeen Waddani, Sheegayna Inay Dib Ugu Soo Laabteen Xisbiga
September 27, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xubno hore ula baxay bad-baadada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa ay sheegeen in ay ka laabteen dacwad ka dhan ahayd sharcinimada habkii xilalka looga xayuubiyay xubno uu horkacayay xoghayihii hore ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Xubnahan oo kala ah Xamse Cabdiraxmaan “Jiidali” iyo Cismaan Ibraahim Warsame ayaa waxa ay sheegeen in la xaliyaya tabashadoodii hore isalamarkaasna ay aqbaleen ergo uga timi in ay xisbigooda dib ula midoobaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/AVc5-cq-vKI

COMMENTS
LINKS