“Faysal Ha U Noqoto Guul Inuu Yidhaa Aniga Ayaa Ka Dambeeyay In Uu Qalbi-dhagax Hargeysa Yimaado”.Siyaasi Cali Gurey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Faysal Ha U Noqoto Guul Inuu Yidhaa Aniga Ayaa Ka Dambeeyay In Uu Qalbi-dhagax Hargeysa Yimaado”.Siyaasi Cali Gurey
September 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Gurey” ayaa waxaa uu jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe oo ku saabsanaa in uu isagu ka danbeeyay imaatinkii Qalbi-dhagax ku yimi Hargeysa.

Siyaasi Cali Gurey oo qoraal kooban soo dhigay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan. ”HA ILA YAABINA EH…. Ninkan aniga magaciisa waxa iigu horeysay markii dawladda Muqdisho ay qabatay ee Itoobiyaanka gacanta u gelisay. Faysal guulaha laga guntay Qalbidhagax wax ma inooga sheegay? bal guusha isagu uu tirsanayaa ha inoo dambayso eh. Anigu waxa keliya een ogahay waa inu ka tirsanaan jiray ama ka tirsan yahay ONLF(Ogadeen National Liberation Front) oo Somaliland intii ay madaxbanaanideeda la soo noqtay aanay isku fiicnaan jirin laakiin intii ay Itoobiya wax isla garteen ama ay ka soo noqdeen fikirkii dagaalka ka dhanka ahaa Itoobiya ay dad badan u arkeen talaabo ay Jabhadu u qaaday dhinicii saxa ahaa markaa ma taas ayay Somaliland doonaysaa inay dhiireglin uga dhigto soo dhawaytiisa mise wax kale oo aniga iga maqan baa jira uu taariikhda ku galay?

Si kasta ha noqoto eh qof kasta oo soomaali ah anigu in lagu soo dhaweeyo Hargeysa waxba kama qabo mana diidani oo Farxiya Fisko ha la soo dhaweeyo oo si wayn ha loo soo dhaweeyo waanigii lahaa bilaa sababna may ahayn ee inay u qalanto ayaa qabay. Markaa Faysal ha u noqoto guul inu yidhaa aniga ayaa ka dambeeyay inuu qalbidhagax Hargeysa yimaado ama uu ku soo martiqaado”.

 

Mujaahid: Cali Gurey

COMMENTS
LINKS