Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Uu Isagu Ka Dambeeyay Imaatinka Qalbi Dhagax, Shaaciyayna In Ay Somaliland Imanayaan Siyaasiyiin Somaliya Ka Socda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Uu Isagu Ka Dambeeyay Imaatinka Qalbi Dhagax, Shaaciyayna In Ay Somaliland Imanayaan Siyaasiyiin Somaliya Ka Socda!
September 25, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in uu ka danbeeyay imaatinkii Cabdikariin Qalbi Dhagax ku yimid Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo u waramayay Idaacada BBC-da ayaa isagoo Arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Markii hore waanigii balan qaaday oon idhi waan soo casuumayaa Qalbi Dhagax dawladuna way naga ogolaatay wadajir ayaanu uga hortagaynay oo uu noogu yahay macsuum, Waxaanu tusaynaa in aanu ku farax sanahay  ilaahay siduu u soo badbaadiyay, Waxaanan doonaynaa inaanu siyaasad cusub bilawno waxaan jecelnahay in arimaha Soomaaliya ama gayiga Soomaalida  Aanu talo ku yeelano kaligiina maaha ee waxaa soo socda rag kale oo Soomaali ah oo siyaasiyiin ah oo aanu casuumi doono, ONLF iyo Kililka shanaadba waanu casuumaynaa, Hargeysana waxaanu ka dhigaynaa sidii ay hore u ahaan jirtay xudunta dadka Soomaalida ee Geeska ku nool”.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyay siyaasiyiinta uu Hargeysa ku casuumayo deegaanada ay ka soo jeedaan iyo inay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu yidhi.”May anagu ma casuumayno Siyaasiyiinta Dawlada Soomaaliya laakiin waxaa ku jira siyaasiyiinta aanu casuumayno qaar aan hada ku jirin dawlada Soomaaliya ee maskaxdoodu fayawdahay ee doonaya inay Soomaali hagaagto oo taariikh  xun ku lahayn Soomalinimada ee waxaanu casuumaynaa Siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed oo waxaana aanu jecel nahay in mustaqbalka Dawlad wanaagsan oo nabad geliyo ah sidii looga dhalin lahaa Soomaaliya, Siyaasiyiinta aanu casuumayno waxa ay ka soo jeedaan dhamaan deegaanada ay Soomaalidu degto ma eegan karno waxaa ka socda Soomaaliya, Ma eegan karno Geeskoo isbadal ku jiro, Ma doonayno in laysku habsaamo, waxaa noo hadhsan laba arimood oo ah in Soomaaliya aanu waxka qabano, Soomaaliya iyo Somaliland ay isku ictiraafaan sida Eritrea iyo Itoobiya oo aanu la jaan qaadno isbedelka ka socda Geeska”.

Dhinaca kale Mar wax laga waydiiyay calanka xidigta shanta gees ku sawiran yahay  ee Jabhada ONLF ee maanta lagu soo dhaweeyay Cabdikariin Qalbi Dhagax saamaynta ay ku yeelan karto Soomaalida ayaa waxaa uu yidhi.”Horta anagu calankaa buluuga ah ma jeclin, Laakiin anagu xidigta madow waxaanu leenahay mid uu nagruuma sameeyay oo Afrika Star ah, ONLF-na iyadaa xaq u leh inay samaysato calan waanan ku ixtiraamaynaa calan kooda”. Ayuu faysal cali waraabe kusoo afmeeray waraysigan oo uu siiyay Idaacada BBCDA.

 

Halkan hoose ka dhagayso waraysiga

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS