|
|||||
WAJAALE NEWS
Eritrea oo Dib Uga Mid Noqoneysa Urur Gobolleedka IGAD
September 9, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Wadanka Eritrea ayaa dib ugu biiraya urur goboleedka IGAD iyadoo munaasabad loogu oggolaanayo lagu wado in lagu qabto magaalada Addis Ababa toddobadka soo socda. Eritrea ayaa laga saaray xubinimada IGAD sanadkii 2007dii balse waxaa ay dib ugu biirtey 2011. laakiin waxaa markale laga saaray xubinimadeeda sanadkii 2017kii. Dhinaca kale saxeexa ugu dambeeya ee heshiiska nabada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa uu ka dhici doonaa toddobaadka soo socda magaalada Addis Ababa. Wargeyska Sudan Tribune ayaa waxaa uu ka soo xigatay Ismail Wais oo ah ergeyga gaarka ah ee Koofurta Sudan in uu sheegay xaflada saxeexa dib u heshiisiinta in uu dhawaan ka dhici doono magaalada Addis Ababa. Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyay colaad muddo ka badan 20 sano u dhaxeysay labada dowladdood oo ay ku dhinteen Kumannaan ruux oo ka kala tirsan labada dowladdood.
Related posts:Madaxweynaha oo Amar ka soo Saaray Maktabada GANDI oo Muran ka Dhashay Ganacsade la Doonayey in lagu... DAAWO;-Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur Oo Eedihii Ugu Cuslaa U Jeediyay Xukuumadda Madaxwayne Farma... Madaxweynaha JSL Oo Sagootiyey Madaxweynaha DDS Oo shalay Dalka U Yimi Furitaankii Dekeda Berbera. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|